R/wasaaraha oo ka hadlay halka lagu qabanayo Doorashada Gobolada Waqooyi

War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Dirta Waqooyi in ay soo jeediyeen mowqifkooda ku aadan halka lagu qabanayo doorashada Gobolada waqooyi ee Aqalka Hoose ay ka dhacdo xarunta Xalane.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu faray Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer federaal iyo heer gobol inay tixgeliyaan codsiga Odayaasha Gobolada Waqooyi.

 

war