Doorashada Aqalka Hoose oo lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay caawa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo galabnimadii maanta bilaabatay ayaa caawa la soo gaba gabeeyay, waxaana lagu doortay Labadii xubnood ee ugu dambeysay ee ka mid noqda Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga koowaad oo caawa ay ku tartameen Xuseen Maxamed Sheekh iyo Cumar Cali Maxamed ayaa waxaa ku soo baxay Xuseen Maxamed Sheekh oo helay 50 cod.

Sidoo kale kursiga Labaad oo ay ku tartameen Xasan Macalin Xuseen iyo Xasan Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod.

 Doorashada Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo socotay mudo ka badan bil ayaa gabi ahaan caawa la soo gaba gabeeyay, waxaana soo dhameystirmay 69-ka xubnood ee ka imaanaya Degaanada Koonfur Galbeed.