Rwanda oo xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka

CAPE TOWN/SOUTH AFRICA, 11JUN2009 -Paul Kagame, President of Rwanda and Harish Manwani, President, Asia, Africa, Central and Eastern Europe, Unilever, United Kingdom, at the Plenary on Africa as the World's potential Breadbasket at the World Economic Forum on Africa 2009 in Cape Town, South Africa, June 11, 2009Copyright World Economic Forum www.weforum.org / Eric Miller [email protected]

Dowladda Rwanda ayaa xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka loo yaqaan ee ka howl gasha Afrika.

Munaasabad lagu daah furayay shirkadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Paul Kagame.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.

Shirkadda tegnoologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasi oo istcimaali doona habka softi-weerka Android.

Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan francs ($190; £155) iyo 120,250 Rwandan francs ($130;£106).

Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha ka soo dhoofiyaan.

Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa sheegay in teleefoonkasta laga sameeyay 1,000 xabo.