RW Xamse oo sheegay in weli uu socdo shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka War bixiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Afarii maalmood la soo dhaafay ka socday magaalada

Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka War bixiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Afarii maalmood la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa shaaca ka qaaday inuu wali socdo shirka Madasha  wadatashiga Qaranka, oo au socdaan wadatashiyo  la xiriira qodobada qaar ayna soo saari doonaan go’aano rasmi ah.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay  in golaha Wadatashiga Qaranka  ay  kulmeen 9 jeer, islamarkaana kulamadaasi ay ahayeen dhamaantood kuwa ahmiyad weyn u lahaa dowladnimada ayna kusoo dhamaadeen guulo la taaban karay.

Mudane Xamse Candi Barre ayaa sheegay in shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee n ka socda Muqdisho inuu guul kusoo dhamaan doono, in shirkaan natiijada kasoo bixi doonto.

Ugu dambeeyntiina Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ilaalinta midnimada, gobanimada, Qaranimada Soomaaliyeed iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed.