DFS oo sheegtay in Xubno badan oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay Hawgallo ka dhacay dalka

In ka badan 50 Xubnood oo  ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay hawlgalo ayosla kaashadeen  Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

War saxafadaeed ka soo baxay Dawlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ilaa 59 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay Hawlgalkaas .

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32  Alshabaab ah oo isugu jiray Saraakiil iyo Xubno kale Alshabaab ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku geeriyooday  Afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu war saxaafadeedka Dawlada ka soo naxau .

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 xubnood Alshabaab ayaa wuxuu ka dhacay goob ay isku aruursanayeen shabaabka oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu isku aruursanayay.

Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo Alshabaab ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si wayn loogu naafeeyay ayaa sidoo kale lagu  yiro Warsaxaafadeedka .