RW Rooble oo shir isugu yeeray Golaha wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay in Shirkaan 27-ka bishan December, 2021 ka dhici doonalo magaalada Muqdisho, loogana arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer yeeshay kulamo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo qaarkood lagu gaaray heshiisyo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Shirka uu Ra’iisul Wasaaraha isugu yeeray Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo beegmaya xilli cabasho badan ay ka timid doorashooyinka Golaha Shacabka.