Puntland oo sheegtay in Ciidamada Gorgor ka dagaalameen Boosaaso

Duqa degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Puntland Cabdiqani Deerdile ayaa ka hadlay dagaalka Maanta halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Isaga oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in Koox amar diid ah ay dhib ka wadaan boosaaso, kuwaas oo diiday inay xilka wareejiyaan, isla markaana ay sheegteen inay ka tirsan yihiin Ciidamaa Goror.
Waxaa uu sheegay in ilaa shalay ay Ciidamada PSF khalqal amni iyo fowdo ay ka wadeen Magaalada Boosaaso looguna dul qaadanayay, wuxuuna ku eedeeyay inay Maanta, iyaga bilaabeen dagaalka.
Wuxuu ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Ciidamada PSF hadii aysan joojin dhibka ay ka wadaan Boosaaso, wuxuuna ugu baaqay Shacabka inay la Shaqeeyaan Xukuumadda Puntland.
” Kooxda Amar diidak ah ee sheeganeysa Ciidamada gorgor waa Koox gacmo badan ay kujiraan oo lagu adeeganayo loogana adeegsanayo rasho ka abuurka degaannada Puntlad, waxaana u sheegeynaa Shacabka in dowladu ay u tureeyso Shacabka.
Warkaan kasoo yeeray Duqa degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Puntland Cabdiqani Deerdile ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Magaalada Boosaaso uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Ammaanka Puntland & kuwa PSF, iyada oo Ciidamada PSF ay soo bandhigeen Gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen Ciidamada Puntland.