In kastoo xaaladda Magaalada Boosaaso ay haatan tahay mid degan ayaa waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada Puntland igo kuwa PSF.
Inta la xaqiijiyey ugu yaraan laba qof oo mid rayid yahay ayaa ku geeryooday dagaalka Boosaaso halka in ka badan toban qof shacab oo dhaawac ah la geeyey Isbitaallada magaalada,.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa saameyn weyn ku yeeshay Suuqa Magaalada, waxaana Maanta xiran gebi ahaan Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale barakacay dadka Shacabka ah ee kunool Aaga lagu dagaalamay.
Duqa degmada Boosaaso ayaa sheegay in Kooxo amar diido wada oo sheegtay inay ka tirsan yihiin Ciidamada Gorgor ay fowdo ka wadaan Magaalada Boosaaso, hayeeshee la wada ogyahay in Ciidamada dagaalamay ay yihiin kuwa PAF- ta Puntland.




