RW Rooble oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha dibadda Britain

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain , Dominic Raab.

Kulanka ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,Arrimaha Amniga, xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab .

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.