SAWIRO:- Xildhibaano kasoo jeeda Gobolada Waqooyi oo shaaciyay caqabad heysata doorashada

Qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeedo gobolada waqooyi ee Soomaaliland oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi, caqabadaha jira iyo eedeyn ay u jeediyeen siyaasiyiin ka tirsan golaha midowga musharaxiinta iyo guddoomiyaha Aqalka sare.

40 Xildhibaan oo katirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa kulanka ka qeyb galay waxayna ka soo saareen kulankooda warmurtiyeed ka kooban 6 qodob.

Waxay sheegeen in tiro Xildhibaano ah iyo guddoomiyaha Aqalka sare ay caqabad ku yihiin doorashada kuraasta gobolada Waqooyi, sidoo kale waxay midowga musharaxiinta ku eedeeyeen iney fara gelin ku hayaan guddiyada doorashada ee kuraasta gobolada Waqooyi.