Soomaaliya iyo Paskistan oo kala saxeexday heshiis difaac

Waddamda Pakistan iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga, isla markaana lagu horumarinayo awoodaha millitariga.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan is-afgaradka ah lagu saxiixay magaalada Islamabad, maalintii Talaadada.

 

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskaasi.