RW Kheyre oo soo geba-gabeeyey booqashadii Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa oo geba-gabeeyey booqasho uu ku tegay Magalada Paris ee dalka Faransiiska halkaas oo uu uga qyeb galay Shir Caalami ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris,waxaana uu la kulmay Madaxweynaha dalka Faransiiska oo siweyn dalkaasi ugu soo dhaweeyey.

Sidoo kale waxaa uu  kulamo doceedyo uu la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov iyo wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka iyo taageerada ay siiyaan labadaasi dal Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb-galay dood looga hadlayay gaaridda hadafyada horumarka waara ee 2030, ka caddeeyay inay muhiim tahay in la qiimeeyo dhammaan xaaladaha dunida ka jira si loogu guuleysto himilooyinka oo dhan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu u safro magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.