Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheye ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID19, kaas oo la qabto habeen walba.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka Coronavirus,isla markaana Xukuumadda ay waqti badan u gelin laheyd lana imaan laheyd qorshooyin dhowr ah.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka inay la timaado qorshe ballaaran oo dhamaan dadka looga baarayo Faruska Karoona maadaama qalabkii uu yaallo Magaalada Muqdisho.
Amarkaan uu Kheyre siiyey Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) qaybta ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.



