Maamulka Gobolka Hiiraan oo digniin soo saaray

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu digniin kasoo saaray fatahaad uu markale Wabiga Shabeelle ka sameeyo Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Jeyte in dadka looga baahan yahay inay muujiyaan taxadar,isla markaana ay jirto khatar ku saabsan biyo farabadan oo kusoo wajahan Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in mas’uuliyiinta Dowlad deegaanka ay la soo wadaageen inay kusoo wajahan yihiin Biyo farabadan haatan ay soo marayaan deegaanka Khalaafe,waxaana uu Bulshada ka dalbaday inay digtoonoow ku jiraan.

Sanad kasta Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad daran waxaa uu ka geystaa Gudaha Magaalada Beledweyne,waxaana dadka ku nool Magaaladaas badi ay u barakacaan deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Beledweyne.