Roy Hodgson iyo Wayne Rooney ayaa ugu baaqay taageerayaasha England in ay joojiyaaan dhibaatooyinka ay ku lug leeyihiin inta lagu jiro ciyaaraha Euro 2016.
UEFA ayaa ku hanjabay in ay England iyo Russia ka saari doonaan tartanka haddii aysan joojin rabshadaha k,iyadoo la xusuusto dagaalkii ugu dambeeyay ee magaalada Marseille sabtidii,
Sidookale dowlada France ayaa bilaabay dacwada ka dhanka Russia ka dib markii Muuqaallo “gebi ahaanba la aqbali karin” dhamaadka kulankii sabtidii ay ka muujiyeen.
Mas’uuliyiintu, waxa ay qaadi doonaan tallaabooyin ammaan oo dheeraad ah si anay usoo laaban dhacdooyin lamid ah kuwii England iyo Russia dhax maray furitaanka Group B.
Hodgson ayaa u sheegay FATV: “Sida iska cad, waxaan ahay mid aad u walaacsan hadda ,waxaa jiri kara cunaqabateyn lagu soo rogi karo xulka England.
“Waxaan aad ugula dardarmayaa taageerayaasha in ay xakameeyaan xaalada daganaana ay muujiyaan ayuu yiri macalinka England.
Rooney ayaa u sheegay taageerayaasha tikidhada ugu safraya Lens khamiista kulanka Wales in ay joojiyaan dhibaatada.
Waxa uu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo taageerayaasha England waa taageero weyn oo garoonka ka dhax muuqday kulankii Russia,


