Ronaldo oo labo farxad u sheegay taageerayaasha Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay tababarka Real Madrid caawa, xili laga cabsi qabay taam ahaanshihiisa ka hor kulanka finalka Champions League.

Ronaldo ayaa ka baxay tababarkii Talaadadii ka dib markii ay isku dhaceen goolhaye Kiko Casilla, taageerayaasha Los Blancos ayaana cabsi weyn ka qaban xaalada xiddigooda.

Labada koox ee ka dhisan caasimada Spain Reaal Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ku kulmi doona San Siro Finalka Champions League.

Kabtanka Portugal ayaa sheegay ka dib dhacdada: “Waxaan wax yar dhaawac ah ka dareemay tababarkii maanta, laakiin dhawr maalmood dabadeed waxaan noqon doonaa ok.”

dhinaca Ronaldo ayaa cadeeyay in kooxda Real Madrid uu kaga fariisan doono kubadda cagta, arintaan ayaa timid xili maanta oo dhan lala xiriirinayay kooxda Manchester United.