Madaxweynaha oo ka qeyb galay Sanadguurada 53-aad ee Midowga Afrika

Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Soomaalia,Mas’uuliyiin ka tirsan dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, iyo martisharaf kale ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada 53-aad ee ka soo wareegatay Aaska ururka midowga  Afrika oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa inta ay socotay lagu soo bandhigay Suugaan iyo Majaajillo ay sameynayeen Fanaaniin ka kala socotay dalalka Afrika oo ay ka dhex muuqdeen fanaaniin Soomaaliyeed, waxaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda ka qeybgaleysay ay booqdeen goob lagu soo bandhigay Waxyaabo ka tarjumayay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliya.

Sidoo kale munaasibadda ayaa intii ay socotay lagu maamuusay sanadguuradii 9-aad ee ka soo wareegatay markii Soomaaliya ay yimaadeen ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM

Better De Clerk oo ka socday xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Shucuubta Afrika isagoo Amaanay dowrkii Soomaaliya ay ka qaadatay aas aaska Ururka Midowga Afrika.

Safiirka Ethiopia u fadhigay Soomaaliya Danjire Wondimu Asamnew ayaa munaasibadda ka sheegay in maalintaa ay Afrika oo dhan ay u tahay maalin weyn oo ay u istaageen in ay isbadal sameeyaan kana xuroobaan gomeystaha.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Maddera ayaa xusay in Afrika u baahantahay nabad iyo xasillooni, si loo helo dimuquraadiyad laguna gaari karo in hanashada shacabka lagana dhiidhiyo wax walba oo dhib u dhac keeni kara.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ku dheeraaday Taariikhda aas-aaska Ururka Midwga Afrika iyo kaalintii ay soomaaliya ka qaadatay, Isagoo hambalyo u dirashay shucuubta Qaaradda Afrika.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ka hadlay kaalinta Midowga Afrika ee soomaaliya, isagoo u mahadceliyay howlgalka midowga Afrka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ay soomaaliya ku garab istaageen.

Midowga Afrika ayaa la Aas-aasay 1963 wuxuuna markaa ku magacaawnaa ururka midnimada Afrika iyadoo maantana loogu yeero Midowga Afrika oo maanta 53 sano jirsaday.