Ceelwaaq-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Caaw Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in hada uu halkaasi ka socdo dagaal udhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab.
Ilo madax banaan oo ku sugan Ceelwaaq ayaa Idaacadda Risaala usheegay in markale dib uu uqarxay dagaal udhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab.
Dhanka kale Gudoomiyaha Ceelwaaq Sahal macalin Aadan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in hada uu socdo dagaalka, waxaana uu sheegay in ay maqlayaan mararka qaar hub culus oo Labada dhinac ay isku adeegsanayaan.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan udhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.
Maanta ayay aheyd markii dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.


