Roberto Firmino oo seegi kara kulanka PSG

Roberto Firmino ayaa isha kaga dhaawacmay kulankii Liverpool ay ka badisay Tottenham shalay, iyadoo weeraryahanka uu seegi karo kulanka Champions League koxdiisa ay wajaheyso Paris Saint-Germain.

Weeraryahanka ayaa u baahday in la geeyo Isbitaal ku yaala London ka dib markii daafaca Tottenham Jan Vertonghen isha ka dhaawacay daqiiqadii 75aad kulankii Liverpool 2-1 ku badisay Wembley.

“Baaritaan isbitaal uu sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in isha dhibaato ay gaartay, laakiin dhaawac weyn uma muuqado,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Liverpool.

Liverpool ayaa sheegtay in Firmino ay tahay in la ilaaliyo, loona daaweeyo si dhaqso ah si uu dib ugu soo kabsado dhaawacii soo gaaray ka hor inta aan go’aan laga gaarin inuu ciyaari karo kulanka Anfield talaadada kooxdiisa ku qaabileyso PSG.

Firmino oo goolka labaad ee kooxdiisa dhaliyay bilowgii qeybta labaad ee kulankii Tottenham, waxaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kadib dhiig badan oo ka yimid ishiisa.

“Ciyaartoyda iyo shaqaalaha waxay iisoo direen fariin ay iigu rajeynayaaan soo kabasho deg deg ah ” ayuu yiri xiddiga reer Brazil.