Keliya hal go’aan ayaa lagu ansixiyay shantii toddobo kulan oo katirsan horyaalka Premier League oo loo isticmaalay shalay ilaa xalay qalabka caawiya garsooreyaasha ee (VAR) loo yaqaano.
Goolkii Leroy Sane ee ahaa offside kulanka Manchester City guusha 3-0 ah ka gaartay Fulham ayaa loo isticmaalay VAR markii ugu horeysay ee lagu tijaabiyay ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska.
Dib- u eegis lagu sameeyay VIDEO-ga ayaa muujiyay in Sane uu si aan caadi aheyn uga dhex jiray diilinta Office-ka markii uu dhaliyay goolka labaad qeybtii hore ee ciyaarta.
Waxaa la fahamsan yahay in maamulka Premier League ay ku faraxsan yihiin sida loogu isticmaalay dhamaan kulamadii shalay qalabka caawiya garsoorka ee VAR.
Rigoore laga shakiyay kulankii Bournemouth 4-2 ay kaga badisay Leicester ayaan loo adeegsan VAR sabab la xiriirtay qaladka oo lawada arki karay.
Bishii April kooxaha Premier League ayaa u codeeyay inay si tijaabo ah u adegsadaan qalabka caawiya garsoorayaasha ee VAR xilli ciyaareedka 2018-19.
Ka dib markii VAR xilli ciyaareedkii hore laga dhaqan galiyay horyaalada qaar, Premier League ayaa wali tijaabinaya isticmaalka qalabkaan.
Xilli ciyaareedkii hore waxaa loo isticmaalay Var kulamada EFL Cup iyo FA Cup, laakiin waa markii ugu horeysay ee Premier League loo isticmaalo qalabkaan.



