Halyeeygan daafaca ka ciyaara ayaa aaminsan in ay u qalmeen in ay ka badiyaan xulka Austria balse waxaa uu qirtay in wali xulkooda ay u harsan tahay horumar hadii ay doonayaan in ay xaqiijiyaan booskooda 16-ka ee koobka Euro.
Ricardo Carvalho ayaa sheegay in Portugal uu ka walwal san yahay islamarkaana ay yartahay rajadooda Euro 2016 kadib markii ay bar bar dhac galeen labadii kullan ee isku xigtay oo ay la ciyaareen xulalka ay iskula jiraan Group F .
Wiilasha Fernando Santos ayaa iska lumiyay fursad ay kaga badin kareen Austria balse Cristiano Ronaldo ayaa lumiyay rigoore ay heleen qeybtii labaad ee ciyaartii ka dhacday Parc des Princes ee ku dhamaatay 0-0.
Portugal ayaa hadda labo dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha Group-ka ee Hungary kadib markii iyagu xitaa ay bar bar dhac 1-1 ay la galeen xulka Iceland.
“waxaa u baahanahay in aan helno wadajir,” Carvalho ayaa sidaasi yiri. “waxaa aaminsanahay in aan ka wanaagsaneen qeybtii labaad.
“Waa ay wanaagsanaan laheyd in aan guul ka gaarno balse wali waxaa harsan nasiibka.
“Waa in aan badinaa kullanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada ee aan la qaadan doono Hungary].”


