Real Madrid Oo Santiago Bernabu Ku Dubatay Atletico Madrid

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku dubatay kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid kadib markii ay 3:0 bilaa jawaab ah ku dardareen kooxda Diego Simeone oo ku fashilantay in ay xataa wax gool marti ah sii dhashato kulanka lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga.

Real Madrid ayaa talaabo wayn sarre ugu qaatay in ay xili ciyaareedkii labaad soo gaadho finalka Champions Leaque-ga ay koobkiisa difaacanayso.

Cristiano Ronaldo ayaa indha aduunka ku xaday saddexley goolal ah isaga oo dhulka jiiday isla markaana rajadii markale ka dilay kooxda Diego Siemone oo kulankan si buuxa ugu fashilantay.

Ronaldo ayaa kulankii labaad ee Champions Leaque-ga saddexley ka dhaliyay isaga oo kooxdiisa Los Blancos ka caawiyay in ay kulanka lugta labaad iskeento iyada oo lug kula sii jirta finalka Cardiff ee Champions Leaque-ga.