Iyadoo lagu waddo Saacadaha soo socda Magaalada Cadaado in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in aysan dhicin doonin wax musuq maasuq ah.
Xildhibaan Cabdulqaadir Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa Risaala u sheegay in aysan jirin doonin wax musuq maasuq ah, islamarkaana ay dooran doonaan Cidii ay u arkaan in ay hoggaamin karto Galmudug.
Doorashada ayaa waxaa korjoogto ka ah xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa.


