Beesha Caalamka oo war ka soo saartay doorashada Galmudug

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu waddo in ay maanta ka dhacdo Magaalada Cadaado.

Beesha Caalamka ayaa Galmudug ka dalbatay in ay ka shaqeyso dib u heshiisiinta.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Beesha Caalamka inay si weyn ugu niyad jabtay burburkii ku yimid wada hadaladii Galmudug iyo Sidoo kale Ururka Ahlusunna.

Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu ballan qaaday in ay iyaga ay diyaar u yihiin in ay fududeeyaan wadahadallada dib u heshiisiinta ah ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxa ay sidoo kale ku baaqeen in dib loo bilaabo wada hadalada Galmudug iyo Ahlusunna.