Qeybo badan oo ka mid ah dunida Maanta waxaa laga xusaya maalinta loo asteeyay Saxaafadda Adduunka.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Saxaafadda ayaa maanta oo kale waxa ay soo saaraan Warbixino kala duwan oo ay kaga hadlaayaan Tacadiyadda iyo dhibaatooyinka loo geysto Wariyeyaasha.
Maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka ayaa lagu iclaamiyay shir ay hay’adda UNESCO ku qabatay magaalada Windhoek ee dalka Namibia sanadku marku ahaa 1991-dii.
Waxaana maalintaasi waxii ka danbeeyay loo aqoonsaday Saddexda May in ay tahay maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka.
Maanta oo kale ayaa waxaa la qabtaa kulamo dowladaha iyo awoodaha ka jira adduunka lagu xusuusiyo in la ixtiraamo xorriyadda saxaafadda iyo xeerarka xuquuqda aadanaha.
Saddexda Bisha May ayaa waxaa lasoo bandhigaa dhibaatooyinka loo geysto Saxaafadda.
Soomaaliya ayaa ka mid ah meelah adduunka ugu halista badan ee uu wariye ka shaqeeyo.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Sanadkaan Saddexda Bisha May ay kusoo beegan tay iyadoo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay la kulmayaan dil, xarig, Jirdil iyo Hanjabaad.



