Real Madrid oo la kulantay khasaare 400 Milyan ah

Real Madrid ayaa ku khasaartay qandaraas ay ku heli laheyd 400 milyan oo euros oo u dhiganta 351 milyan oo ginni oo lagu siin lahaa xuquuqda magaca garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu marka dib u dhiska lagu sameeyo.

Wargeyska arrimaha dhaqaalaha ee dalka Spain ee El Economista ayaa wuxuu sheegayaa in maadaama Real Madrid ay haatan ku khasaartay qandaraaskaan, loogana baxay ay ku qasban tahay inay iska iibiso ciyaartooy muhiim ah xagaagaan si ay u hesho lacagta ay kusoo iibsaneyso dhowr saxiix oo Galatico ah si looga dhabeeyo mashruuca dib u dhiska kooxda.

Isbuucii lasoo dhaafay, maamulka kooxda Real Madrid ayaa loo ogolaaday inay qaab heer sarre ah u dhistaan garoonkooda Santiago Bernabeu Stadium, iyadoo garoonkaan lagu dabooli doono saqaaf aad u qurxoon sida qorshuhu yahay.

Laakiin heshiiskii ay ku heli laheyd lacagta dhan 400 milyan oo euros ee ay sannadkii 2014kii la gashay shirkadda gaaska iyo saliidda soo saarta ee reer Spain Cepsa ayaa haatan la kansalay.

Wargeyska El Economista ayaa Jimcadii baahiyey in Real Madrid uu miiska u saarnaa dalab 400 milyan oo euros ah, iyadoo heshiiskaan asal ahaan la isla meeldhigay sannadkii 2014kii, laakiin haatan dalabkaas waxaa la laabtay shirkadda Cepsa ee saamigeeda ugu badan ay leedhaay shirkadda maalgelinta reer Abu Dhabi ee Mubadala.

Maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin Real Madrid ay daahisay qorshaha dib u dhiska garoonkeeda. Haatan Los Blancos ayaa raadineysa shirkad iibsata xuquuqda magaca garoonkeeda ka hor inta aysan bilaaban shaqada dhismaha garoonkaan xagaaga soo aadan.

Waxaana xusid mudan inay dooneyso in lacagtaas ay ku qarash gareyso saxiixyada Eden Hazard iyo Harry Kane – laakiin haddii aysan taasi u suurtogelin waxaa macquul ah inay iska iibiso xiddigaha Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo si ay uga soo saarto qeyb ka mid ah lacgataas.