Real Madrid oo kordhisay lacagtii ay Ku dooneysay Xidiga David Alaba

Real Madrid ayaa soo bandhigay € 65 million dalab ah in ay ka gudbiyeen xiddiga Bayern Munich David Alaba, sida laga soo xigtay AS.

Kooxda reer Spain, ayaa mudnaanta koowaad siin doonta saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Austria xagaagan, waxaana haatan ay kordhiyeen dalabkoodii hore ee ahaa € 50m.

In kastoo Bayern weli aysan ka jawaabin dalabkaan, waxaa la fahamsan yahay inay iibin doonaan haddii qiimaha la garsiiyo €80.

Kooxda reer Spain ayaa dooneysa inay la soo wareegto daafaca dambeedka bidix ee Bayern Munich, kasoo hore ay u dawadeen saraakiisha suuqa ee kooxda caasimada ka dhisan,

Abaha dhalay xiddigan kooxda Bavarians, ayaa dhawaan qirin waayay sida uu u jeclaan lahaa in wiilkiisa uu ka ciyaaro kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Alba ayaa sidookale bartilmaaameed xoogan u ah kooxda Manchester City, waxaa doonaya inuu soo dhaqaajiyo tababarihiisii hore ee Bayern Munich,