Arsene Wenger oo isha ku haya in Gooldhaliye France u dhashay

Karim Benzema Arsenal ayaa weli xiiso u qabta inay weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema keento Waqooyiga London, sida ay wararku sheegayaan.

Gooldhaliyaha reer France ayaa muddo dheer diiradda u saarnaa tababare Arsene Wenger, majaladda El Confidencial ayaana haatan sheegeysa inuu Wenger weli xiiso u qabo saxiixa Benzema.

Benzema ayaa Los Blancos kusoo biiray dabayaaqadii sannadkii 2009kii, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray inay Real Madrid laba koob oo UEFA Champions League ah hanato seddaxdii sanno ee lasoo dhaafay.

Xiddigaan ayaa dhaliyey 111 gool 215 kulan oo horyaalka La Liga ah, laakiin Arsene Wenger ayaa doonaya inuu ka dhigto xalka dhibaatada mudada dheer Arsenal ka heysata dhanka weerarka.

Benzema ayaa sannadihii ugu dambeeyey faraha la galay dhowr arrimood oo muran dhaliyey oo garoonka bannaankiisa ah, taasoo keentay inuu ku waayo booskiisa xulka France ee ciyaaraya Euro 2016.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda El Confidencial ayaa sheegeysa in keenista FLY Emirates Stadium ee Benzema ay ku xirnaan doonto sida ay Real Madrid ugu guuleysato saxiixyada weeraryahannada diiradda u saaran xagaagaan.

Warbixintaan ayaana sheegeysa inuu Benzema ka tegi doono kooxda ka dhisan Santiago Benabue keliya haddii uu tababare Zinedine Zidane soo xerogeliyo mashiinka goolasha xulka Poland iyo kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski xagaagaan.

Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay lasoo saxiixato gooldhaliyaha Leicester City Jamie Vardy iyadoo xiddiga reer England uu Isbuucii tegay qandaraas cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa. Tababare Wenger ayaana haatan dareenkiisa u weeciyey soo xerogelinta xiddigaha kale ee bartilmaameedka u ah, wuxuuna diiday inuu meesha ka saaro soo xergelinta gooldhaliyaha Lyon ee Alexandre Lacazette mar uu la hadlay shabakadda Canal Plus.