Wargayska Marca ayaa sheegaya in Bale uu diyaar u yahay in uu arko labada sano ee ugu dambaysa qandaraaskiisa o dhamanaya, laakiin kooxda Bernabeu ayaa haatan diyaar u ah in ay u ogolaato in ay u fasaxaan six or ah.
Bale wax gool ah oo horyaalka ah ma uusan dhalin tan iyo bishii Sebtember, wuxuuna ciyaaray kaliya seddex jeer sanadka 2020.
Tababaraha Real Zinedine Zidane ayaa diyaar u ahaa inuu siiyo fursad ciyaaryahanka xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu sidii loo baahnaa kusoo laabto.
Madrid ayaa haatan dooneyn inay sii heystaan Bale oo mushaarkiisa yahay 15.4 milyan ginni ah.
Madrid
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay kula tartanto Barcelona saxiixa kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang.
30-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa Emirates uu dhacayaa xagaaga dambe, waxaana si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Blaugrana usbuucyadii dhawaa.
Si kastaba ha noqotee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, Aubameyang ayaa isha ku haya inuu u wareego kooxda Zinedine Zidane, xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon ayaa la sheegayaa inuu u ballan qaaday awowgiisii waqti hore inuu Los Blancos u ciyaaro maalin uun.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda Gunners ay dalban doonto lacag dhan 65 milyan euro, si ay u heaaln ciyaryahanka.
Aubameyang ayaa kaalinta labaad kaga jira tartanka gooldhalinta isagoo la dagaalamaya Jamie Vardy oo dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkan.
Aubameyang ayaa dhaliyay 61 gool 96 kulan uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda



