Real Madrid oo bisha January 50 Milyan ku soo qaadanaysa weeraryahankan

Real Madrid ayaa suuqa ka baadi goobaysay xidig weerarka ka ciyaara tan iyo markii uu kooxda isaga dhaqaaqay Cristiano Ronaldo.

Kooxda caasimadda ayaa lala xiriirinata6 xidigo waa wayn oo ay kamid yihiin Paulo Dybala, Eden Hazard iyo Neymer Jr.

Balse waqtigan Madrid ayaa u ruqaansatay xidiga kooxda Fluminense Pedro Guilherme kaas oobay u aragto mid wax ku soo kordhin kara kooxda Bernabeu.

Sida ay ku warramayao shabakadda reer Spain ee AS Los Blancos ayaa doonaysa in ay weeraryahanak ku qarash garayso 60-malayan oo Euro marka lagaaro bisha January.

Inkasta oo ay kooxda ku sugan yihiin xidigo waa wayn kuwaas oo ay ka mid yihiin Bale iyo Benzema Madrid ayaa wali diyaar u ah in ay suuqa ka keento xidig weerar ah.

Wararka ayaana intaas ku daraya in kooxda reer Brazil aysan wali wax jawaab ah kabixin xiisaha xidigeeda kaga imaanaya Real Madrid.