RASMI: Manchester United Oo Soo Bandhigtay Lambarka Uu Xiran Doono Saxiixa Cusub Ee Paul Pogba

Manchester United ayaa shaaca ka qaaday maaliyada No ee uu ka xiran doono Paul Pogba kooxda Premier League ee United.

Kooxda ayaa xaqiijisay in Pogba loo xiri doono maaliyada number 6 ee xilli ciyaareedkaan,

Pogba, oo 23 jir ah, ayaa saxiixay heshiis shan sanno ah, iyadoo ay xulashada xilli ciyaareedka lixaad ku xiran tahay isaga.

Juventus ayaa qiimo dhan € 105million oo u dhiganya (£ 89million) ku fasaxday ciyaaryahanka khadka dhaxe.

Lacagtaan ayaa dhaaftay Rikoorkii  £ 85million ahaa ee Real Madrid ku iibsatay xiddigii Tottenham Gareth Bale 2013.

Pogba ayaa ka tagay United afar sano ka hor , lakiin Jose Mourinho ayaa ka shaqeeyay in uu dib ugu soo laabto Old Trafford.