Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyay Heshiiskii Shirkadda DP World

Baarlamaanka maamulka Somaliland oo dood dheer ka yeeshay ansixinta heshiiska Shirkadda DP World ayaa ugu dambeyntii saaka ansixiyay heshiiska ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo sidoo kale Shirkadda DP World.

Kulanka Baarlamaanka oo ay goobjoog ka ahaayeen ku dhawaad 74 xubnood ayaa ka dhacay xarunta baarlamaanka maamulka Somaliland ee magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland.

Dood dheer ka dib ayaa  gudoomiyaha baarlamaanka  waxa uu amray in cod loo qaado , waxaana suurta gashay in xildhibaanada badankood ay u codeeyaan.

in heshiiskan uu meelmaro waxaa ogolaatay 69 mudane waxaana diiday 4 Mudane.

Ugu dambeyntii gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in uu meelmaray heshiiskii Somaliland iyo Shirkadda DP World oo maal gelinaysa dhismaha dekeda magaalada Berbera.