Manchester United ayaa shaaca ka qaaday maaliyada No ee uu ka xiran doono Paul Pogba kooxda Premier League ee United.
Kooxda ayaa xaqiijisay in Pogba loo xiri doono maaliyada number 6 ee xilli ciyaareedkaan,
Pogba, oo 23 jir ah, ayaa saxiixay heshiis shan sanno ah, iyadoo ay xulashada xilli ciyaareedka lixaad ku xiran tahay isaga.
Juventus ayaa qiimo dhan € 105million oo u dhiganya (£ 89million) ku fasaxday ciyaaryahanka khadka dhaxe.
Lacagtaan ayaa dhaaftay Rikoorkii £ 85million ahaa ee Real Madrid ku iibsatay xiddigii Tottenham Gareth Bale 2013.
Pogba ayaa ka tagay United afar sano ka hor , lakiin Jose Mourinho ayaa ka shaqeeyay in uu dib ugu soo laabto Old Trafford.