DHAGEYSO: Taliyaha NISA oo amray in la qaato kaarka aqoonsiga

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha sirdoonka iyo Nabad sugida Soomaaliya General Gaafow Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusfu Xuseen Jimcaale oo si wadajir ah shir jaraaid u qabtay ayaa sheegay ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu arki karin qof aan wadan kaarka aqoonsiga dowladda Hoose.

Waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in qof kasta oo muwaadin ah in uu qaato kaarka aqoonsiga.

Taliyaha NISA iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka Banaadir waxa ay sheegeen in dadka Muqdisho ku nool oo dhan looga baahan yahay inay qaataan kaarka aqoonsiga.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa in ay dhaqan geliyaan amarkan maanta ka soo baxay Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya.