Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay Macalimuu oo loo doortay Golaha Shacabka

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa hambalyo gaar ah u diray  Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.
” Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay. Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa hadda katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaraha, isaga oo ku Magacaabay Afhayeenka Xukuumadda, wuxuuna dhawaan kasoo bogsaday qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray.