Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Saxiixay Wareegto uu ku Amraayo hay’adaha dowladda in Qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqadda Soomaaliga.
Wareegtadaan ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa uu sheegay in looga kol leeyahay in la tayeeyo luqadda Soomaaliga.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in kor loo qaado Luqadda Afka Soomaaliga, si ay u noqoto mid hormarta.
Inta badan Wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa qoraaladooda Rasmiga ah waxaa lagu qoraa luqadda Ingariiska.



