Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Email La wadaag
May waxay sheegtay in ay waajib tahay in xulafadu ay meel uga soo wada jeedsato halista kooxda Dawladda Islaamka.
May waxay sheegtay in ay waajib tahay in xulafadu ay meel uga soo wada jeedsato halista kooxda Dawladda Islaamka
Dawladda Britain ayaa tababareyaal milatari u diraysa dalka Urdun si ay gacan u siiyan ciidammada cirka ee dalkaas oo dagaal kula jira kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, ra’iisulwasaaraha ayaana arrintaas ku dhawaaqi doonta.
Theresa May ayaa dajin doonta tallaabooyin lagu xoojinayo iskaashiga Jordan iyo UK si wax looga qabto xagjirnimada iyada oo booqasho ku tagidoonta Cammaan Isniinta.
Waxaa kale oo ay isla soo qaadi doonaan sidii dalka Urdun looga taageeri lahaa qaxootiga ku qulqulaya ee ka baxsanaya colaadda Suuriya.
Ra’iisulwasaaraha Britain ayaa booqasho saddex maalmood ah ku mari doonta Bariga Dhexe.
Tababarka ayaa ka kala dhici doona Urdun iyo UK si loo kobciyo awoodda ciidammada urdun ay ku weerarikaraaan bartilmaameedyada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.



