Ra’isal wasaaraha baakistaan Cimraan Khaan ayaa ku baaqay nabad iyo xasilooni dhexmarta dalkiisa iyo Hindiya si loo qaboojiyo Xiisad Siyaasadda ee gacan ka hadalka dhalisay ee labada dal dhexmartay.
Waxaa uu sheegay in uu raja weyn in colaadda ay nabad ku soo afjaranto.
Hadalka Khaan ayaa yimid kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu sii daayay duuliyaha uu dalkiisu ka qabsaday Hindiya.
Tilaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistaan ayaa soo jiidatay dalalka Caalamka, waxaana loogu baaqay in uu ka dhabeeyo naba dhexmarta Hindiya iyo Pakistaan.
Ra’iisul Waasaaraha Hindiya ayaa dhankiisa la kulmaya Caddaadis ka imaanaya Shacabka oo aad uga niyad jabay duuliyihii Pakistaan ay qabatay.
Wuxuuna Mr Modi sheegay ‘iney ka goa’ntahay amniga iyo xasiloonida dalka Hindiya, ilaa aan ka xaqiijiyo dalka Hindiya inuu ammaankiisa sugan yahayna uu halgankiisa sii wadayo’ iyada oo dadki khudbaddiisa dhageysanayey ay aad u farxad gelisay hadalka ra’isal wasaarahooda ka soo yeeray.



