Laacibka garabka bidix ee daafaca kaga cayaaro kooxda kubadda cagta ee Manchester United Luka Shaw ayaa ku dhaw inuu seego kulamada ay kooxdiisa la cayaari doono kooxaha Arsenal iyo Watford.
Sida uu wargeyska Manchester Evening News qoray Luka Shaw ayaa haatan uruursaday 9 jaale wuxuuna seegi doonaa kulamada Arsenal iyo Watford waase hadii uu jaalihiisa 10aad qaato kulanka Southambton ee galabta.
Shaw ayaa muhiim u ah kooxdiisa Manchester United wuxuuna kamid yahay xidigaha kooxda ku tiirsantahay asigoo sidoo kalana kasoo muuqday liiska xidigaha u sharaxan laacibka bisha ee EPL.



