Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmaya Guddiga qaabilsan dib u eegista dooroshooyinka

Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmaake  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda   Soomaaliya   ayaa maanta  la kulmaya  Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dib u Eegista Heshiiskii Madasha  wadatashiga Qaran  kasoo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay ku wada gaareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada kajira dalka.

Sharmaake ayaa lagu wadaa in uu guddiga kala hadlo arimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii u qabsoomay in ay turxaan bixinta ku wadeen qodobada lagu hishiiyey iyo sidoo kale qodobada u bahaan in wax laga bedalo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu guddiga kala hadlo in ay dadajinyaan heshiis ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulada  Ka jira dalka .

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay dadajiyaan qodobada hanaanka doorashada 2016.