Qatar oo baaq u dirtay dhinacyada isku haya Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haaya Siyaasada dalka Soomaaliya inay wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada-hadal si loo ambaqaado geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu yiri,Dowladda Qatar waxaa ay ku baaqeysaa in la xoojiyo dadaalada dib-u-heshiisiinta qaranka, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.

Sidoo kale Qatar ayaa ugu baaqday  Bulshada caalamka iyo dhamaan la-hawlgalayaasheeda in ay isuduwiyaan dadaallada lagu bixinayo kaalmada farsamada iyo dhisidda awoodda, iyo sidoo kale taageero maaliyadeed xagga horumarinta hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay quseyso xuquuqul insaanka iyo bixinta  gargaarka.

La-Taliyaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Turki Al Maxamuud ayaa sheegay in kastoo ay Soomaaliya ka jiraan caqabado farabadan ayaa hadana tan ugu adag ay tahay dhinaca Argagaxisada,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay guulo ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda, samafalka iyo heerarka xuquuqda aadanaha.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay martigelin doonto shirka Kooxda Xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Heer Wasiir,kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,isla markaana 27-ka bisha October ka dhici doono magaalada Doxa.

Si kastaba dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha xilligaan sida weyn u taageera Soomaaliya,waxaana dad badan ay sheegaan in xiriir dhow ay la leedahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.