Inka badan 2 qarax ayaa lagu soo waramayaa iney ka dhaceen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana la ogeyn noocyada qaraxyada.
Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar qura la maqlay dhawaqa qaraxa koowaad, iyadoo kadib ay xigeen rasaas ciidamada amaanka ay rideen.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in qaraxyo kale oo is xig xiga laga maqlay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Khasaaro ayaa lagu soo waramayaa iney qaraxyada geysteen, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay geerida labo ruux oo dadka deegaanka ahaa.
Ciidamo badan ayaa lagu daadiyay hareeraha wadada laamiga ah ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana socda baaritaano ciidamada ay sameynayaan
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.


