Qarax xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada waxaana dadka kunool Muqdisho ay maqleen qarax inta badan uu dhulku la gariiray.
Wararka qaar ayaa sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid ismiidan ah halka warar kala ay sheegayaan in weerar lagu qaaday Hotel kuyaala KM 4.
Wararka qaar ayaa sheegaya dagaalyahano hubaysan oo Shabaab ka tirsan inay gudaha u galeen Hotelka Naasa Hablood oo ku yaalo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, laakiin ma cadda arintaasi.
Warar kala duwan ayaa soo baxaya waxaana dadka qaar ay sheegaya in uu qaraxu uu ahaa mid gaari loo adeegsaday.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net


