Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay degaankaasi xilli ay ka yimaadeen gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidanka AMISOM, sida ay ku warameen goobjoogayaal.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxan.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ciidanka AMISOM ay rasaas fureen Markii Qaraxaasi lala eegtay, waxaana jira Khasaare ka dhashay.
Ciidanka AMISOM ayaa inta badan lala eegtaa Qaraxyo xilliyadda ay ku jiraan Safarada, waxaana inta badan Mas’uuliyada Qaraxyadda sheegta Al-Shabaab.



