Qarax lagu qabtay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay saaka halkaasi ku qabteen waxyaabaha Qarxa.

Qaraxa ayaa waxaa lagu qabtay Xaafadda 21-ka October , waxaana ciidamada ay dadka Shacabka ah ka saareen goobtii qaraxa lagu qabtay.

Qaraxyadaani ayaa waxa ay ku jireen Boorsooyin , waxaana xalay lasoo dhigay Xaafaddaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ammaanka ay qarxiyeen Qaraxaasi, islamarkaana uusan geystay waxyeelo.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net