Wararka aan ka heleyno degmada C/caziiz ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari.
Qaraxa ayaa sida ay baahisay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Sonna waxaa loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Surf.
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, laakiin dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
“Waxan ku shaheynayay goob shaaha lagu cabo oo ka soo horjeedda Xerada gaadiidka Booliska gaari ayaa yimid wuxuu rabay in uu gudaha u galo xarunta laakiin ciidamada ayaa u diiday waxyar kadibna waxaa dhacay qarax gaariga inta dambe wey burburtay”Siyaasi waxaa ku warmay mid kamid ah dadka deegaanka oo wakaalada wararka Soomaaliyeed la hadlay.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah


