Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax waaberigii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxa ka dhacay degmada C/caziiz gaar ahaan xarunta gaadiidka ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska.
Taliyaha saldhiga Suuqa Bakaaraha, taliye ku xigeenka saldhiga degmada Holwadaag iyo saraakiil kale ayaa la sheegay iney ku dhinteen qaraxa ka dhacay degmada C/caziiz.
Qaar kamid ah dad ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray xubno ka tirsan booliska Soomaaliyeed.



