Qarax ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ee maamulka Jubbalnd oo isagu lagu magacaabo Al-qaadi ayaa waxaa lagu weeraray bamboo gacmeed.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa la socday gudoomiye ku xigeenka ayaa waxa ay bilaabeen howlgal amniga lagu xaqiijinayo arintaasi dhacday.

Dadka deegaanka ah ee halkaasi ku sugan ayaa inoo xaqiijiyay in baaritaanadaasi ay socdaan, waxaana ilaa iyo hada aan jirin dad loo soo qab qabtay howlgalladaasi.

waxaana ilaa iyo hada aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.