Wasiirka arimaha gudahaha ee maamulka Puntland Axmed Karaash oo tagay deegaano Ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa uu ka warbixiyay u jeedka uu halkaasi uu u tagay, isagoona ka digay dadka colaadaha ka dhex hurinaya beelaha wada dega halkaasi.
Waxaana dhanka kale wasiirka arimaha gudaha maamulka Puntland uu fariin digniin ah uu u diray dadka colaadaha ka dhex wada halkaasi, isagoona sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka colaada wada.
Hadalaka wasiirka arimaha gudahaha ee maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa waxa uu imanaya xilli isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka aya halkaasi booqasho ku tageen.


