Faah faahin laga helayo dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Sh/Dhexe

Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku geeryootay 8 kalana way ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Miirtaqwo oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaasi Miirtaqwo fariisamo ku laha.

Cali Cabdisalaan oo ka mid ah saraakiishii dowladda ee hogaaminayay dagaalkaasi ayaa idaacadda Risaala kaga waramay sida uu u dhacay dagaalkaas.

Deegaanka Miirtaqwo ayaa haatan xaaladiisu waxa uu yahay mid dagan, waxaana halkaasi isaga baxay dagaalyahanadii Al-shabaab oo horay ugu sugnaa iyo askartii dowladda ee weerarka ku qaaday.

Saraakiisha dowladda ayaa dhankooda sheegaya in qorshohooda uu san ahayn in halkaasi ay qabsadaan laakiin ujeedku uu ahaa in deegaankaasi ay howlgal ka sameeyaan.